Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay diyaarinayaan mooshin lagula xisaabtamayo maamulada ka jirta dalka, gaar ahaan Puntland, Jubba-land & Galmudug si dowladdu ula socota miisaaniyada dhaqaale ee ka soo xaroota dekadaha & garoomada ay maamulaan maamuladaasi.
Xildhibaan Jaamac Cabdullaahi wuxuu ku nuuxnuuxsaday in dhaqaalaha soo gala maamuladaasi in dowladda dhexe ey waajib ku tahay in iyadu ay maamusho, loona qeybiyo maamulkaasi & dowladda dhexe.
“Dekadda Boosaaso dowladda Talyaaniga ayaa dhistay, waxaanna loo dhisay Qaranka Soomaaliya. Hal qabiil ayaa siduu doono u maamusha. Dekadda Boosaaso waxey canshuurtaa badeecad kasta oo Soomaaliya gees ka gees u socota, lacagtaas maxey Puntland uga soo xareyn weyday Qasnada Qaranka.? Iyadoo la ogyahay xildhibaanada ka soo jeeda Puntland mushaarka ay qaataan in dowladdu ay ka bixiso canshuurta ka soo xaroota dekadda & Garoonka Muqdisho” ayuu yiri Xildhibaan Jaamac, wuxuuna intaa ku daray in Wasaaradaha ku shaqada leh Federaalka ay baarlamaanka ka sugayaan in ay hor keeneen qorshaha miisaaniyadeed ee maamuladaasi.
“Haddii maamuladu aaney kala shaqeyn dowladda isu dheelitirka miisaaniyada, waxaan kula talinayaa Ganacsatada badeecooyinka ka soo dagsanaya dekadaha hoostaga maamulada in ay Xamar u soo wareegeen ama dekado macmal ah sameystaan.” ayuu yiri Xildhibaan Jaamac, wuxuuna xusay in canshuurtu halbowle u tahay wax ka qabashada adeegyada bulshadda oo caafimaadka & waxbarashadu kow ka tahay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho