Xildhibaano ka tirsan BF oo wada qorshe maamul cusub loogu dhisayo Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay wadaan qorshe la doonayo lagu dhiso maamul gaar ah oo ay yeelato magaalada Muqdisho, si ay u hesho maqaamkeeda siyaasadeed.

Cabduqaadir Cosoble Cali oo ka mid ah xildhibaanadaasi ayaa tilmaamay in dad isugu jira Qurbe Joog iyo reer Muqdisho ay diyaar garow ugu jiraan in maamul gaar ah loo sameeyo gobolka Banaadir.

Xildhibaan Cosoble ayaa xusay dadka degan Muqdisho ay dhiban yihiin, islamarkaana laga xirtay waddooyinka, welina ay dhacayaan dilalka iyo qaraxyada, sida uu hadalka u dhigay.

“Dad isugu jira Qurbe Joog iyo reer Muqdisho ayaa diyaar garow ugu jira in maamul gaar ah loo sameeyo gobolkan Banaadir, dadkeenii waa ay dhiban yihiin, waxaana rabnaa in dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo u sheegno in dhagax waddada lagu xiro aan dalka lagu maamuli karin.‘‘ ayuu yiri Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ka xildhibaano ahaan ay ka shaqeynayaan, sidii  loo heli lahaa maqaamka siyaasadeed ee Muqdisho, si buu yri looga baxo dhibaatooyinka ka jira Caasimada.

Ugu dambeyn waxa uu carabka ku dhuftay in wadatashiyo ay wadeen maalmahaan dambe ay soo gabagabeynayaan, islamarkaana ay dhisayaan guddi ka shaqeeya soo diyaarinta Dastuurkii lagu aas aasi lahaa maamul uu yeesho gobolka Banaadir.

Muqdisho ayaan weli helin matalaad siyaasadeed, iyadoo marar badan siyaasiyiinta iyo waxgaradka Muqdisho ay u ololeeyeen arrintaasi, balse ma jirto wax ka soo naasa cadaaday dadalladaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com