Xildhibaano ka tirsan DF oo si adag uga jawaabay hadalka kasoo yeeray Taliye ku-xigeenka sirdoonka Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Taliye ku-xigeenka Sirdoonka Kenya Nuuradiin Xaaji uu maalmo un ka hor sheegay in dhismaha maamulka Jubbaland ay ka lahaayen qorsho lagu ilaalinaayo amniga Kenya, ayaa waxaa arrintaas si kulul uga jawaabay Xildhibaano ka tirsan dowlada.

Sanator Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo kamid ah aqalka Sare ee dalka ayaa sheegay in Taliye ku-xigeenka Sirdoonka Kenya Nuuradiin Xaaji uu ka been sheegay xaqiiqda.

Fartaag, waxa uu sheegay in warka kasoo yeeray Nuuradiin Xaaji uu yahay mid aan waxba ka jirin, isla markaana uu yahay mas’uul doonaaya inuu danqiyo nabaro hore.

Fartaag, waxa uu tilmaamay in dhismaha Jubbaland aysan aheyn mid ku xirnaa danaha Kenya, hase ahaatee sharaf dhaca intaa la’eg ay usoo hoyaneyso madaxda iminka heysa talada Jubbaland oo iyagu dhankaa u janjeera.

Waxa uu Fartaag tilmaamay in gobolada Jubbooyinka ay dhacdo dhul Soomaaliyeed, sidaa aawgeed ay ka fiirsan doonaan haddalka qarsoodiga ahaa ee kasoo yeeray Taliye ku-xigeenka Sirdoonka Kenya Nuuradiin Xaaji.

Nuqul kamid ah haddalka Fartaag ayaa ahaa ‘’Runtii warkaas waa mid aan waxba ka jirin Jubbaland waxa ay ka mid tahay dowlad Goboleedyad dalka ka jira’’

‘’Hadalka Nuuradiin waa mid aan xiliga la sheegayay laga fiirsan waxaanse leeyahay hurdada ayuu naga toosiyay hadalkaaga’’

Sidoo kale, Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa sheegay in hadalka Nuuraddiin uu yahay mid uusan ku hadlin qof mas’uul ah.

Waxa uu Xildhibaan Sadiiq sheegay in hadalada ceynkaas ah uu u baahan yahay in laga fiirsado, waxa uuna ku baaqay in dowlada Kenya ay dib u daraaseyso haddalka Nuuradiin Xaaji.

Dowladda Somalia ayuu sheegay inay casharo ka baran doonto haddalka sirta ahaa ee kasoo yeeray Taliye ku-xigeenka Sirdoonka Kenya Nuuradiin Xaaji, waxa uuna cod dheer ku sheegay inaanu dowlada aqbali doonin talaabo kasta oo ay Kenya ku dooneyso dhul Soomaaliyeed.

Haddalada kasoo kala yeeray labada Xildhibaan iyo Taliye Xigeenka Sirdoonka Kenya, ayaa kusoo beegmaaya xili maamulka Jubbaland uu si toosa uga tallo iyo tusaalo qaato dowlada Kenya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com