Xog: Kheyre oo hakiyay qorsho lagu doonaayay in lagu magacaabo gudoomiyayaal

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo nasoo gaaray ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yariisow la faray inuu dib dhigo magacaabida Guddoomiyayaasha cusub ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in amarkaasi hakinta ah uu bixiyay Ra’isul wasaare Kheyre, isagoo ka damacsan ku qancinta Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ee Mooshinka kawada Guddoomiye Jawaari.

Ra’isul wasaare Kheyre, ayaa la sheegay in magacaabida Guddoomiyayaasha cusub ee Degmooyinka uu ku qancin doono Xildhibaano dhowr ah oo iyagu wata shaqsiyaad kuwaa oo qeybna ka ah Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiye Jawaari.

Magacaabida ayaa waxaa barbar socda ballanqaadyo kale uu Ra’isul wasaare Kheyre u sameynaayo Xildhibaanada baarlamaanka ee la doonaayo inay ridaan Jawaari.

Siyaasada Xukuumada Somalia ayaa u muuqaneysa mid saameyn doonta xitaa kuraasta aan sidaa u laheyn miisaanka, waxaana xusid mudan in kuraasta uu Xildhibaanada u ballanqaadayo Kheyre ay kamid yihiin Wasiiro, Ku-xigeeno, Wasiiru dowlayaal iyo Agaasimayaal la filaayo in looga dhigo shaqsiyaadka ay wataan.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka Gobolka Banaadir oo u nugul amarka Ra’isul wasaare Kheyre ayaa si KMG ah u hakiyay araajida ay gudbinayeen Musharaxiinta u taagan Degmooyinka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com