Qadar oo daandaansi dhanka hawada ah ku heysa Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dalka Qatar ayaa iska fogeysay eedeymo ay u soo jeedisay imaraadka oo ku saabsan inay qabatay laba ka mid ah diyaaradaha rakaabka ee UAE-da.

Hasa ahaate bayaan uu soo saaray maamulka duulimaadyada ee Qatar ayaa lagu sheegay inay waxba kama jiraan tahay arrinkaasi.

Waxaa bayaanka qeyb ka ah in imaraadka uu isku dayaya inuu qariyo xadgudubyadii uu horay u geystay hawadeeda.

UAE, oo ay wehliyaan Sacuudi Carabiya, Bahrain iyo Masar, ayaa ku soo rogay xayiraad xaga dhulka, badda iyo hawada wadanka Qadar  bishii Juun 2017, iyagoo ku eedeeyay Doha inay taageerto “argagixisanimada” iyo inay xiriir dhow la leeyihiin Iran, oo ay u arkeen inay yihiin cadow gobalka. Qatar ayaa si adag u beenisay eedeymahaas.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com