Xilka loo magacaabay Ciise Guure oo si weyn looga soo dhoweeyey Xamar + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaflad taageero iyo soo dhoweyn loogu muujiyey guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee gobolka Banaadir ahna ku-xigeenka maamulka maaliyadda Ciise Guure ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho 

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin heer federal iyo heer dowlad goboleed, xildhibaano, siyaasiyiin, saraakiil ciidan, culimo, aqoonyahano iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Xubnihii kala duwanaa ee ka hadlay hoolka ayaa sheegay in Ciise Guure uu yahay siyaasi lagu yaqaan aaminaad iyo waxqabad, islamarkaana uu mudnaa xilka, ayaga oo intaas ku daray inuu si guul leh uga soo bixi karo. 

Guddoomiye Ciise Guure, oo isna ka hadlay goobta ayaa wuxuu ballanqaadey inuu kasoo dhalaali doono howsha culus ee loo igmaday, islamarkaana uu filashada ummadda sugeysa uu si wanaagsan uga soo bixi doono.