Gabar la dhalatay Ayatollah Khamenei oo qaaday tallaabo lama filaan oo ka dhan ah

Tehran (Caasimada Online) – Gabar la dhalatay Hoggaamiyaha Sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa cambaareysay howlgallada ka dhanka ah dibadbaxyada ka socda dalkaas, waxayna ku baaqday in Ilaalada Kacaanka ay hubka dhigaan, sida ay ku warantay warqad uu daabacay wiilkeeda.

Iran ayaa waxay la tacaaleysa deganaansho la’aan tan iyo markii Mahsa Amini, oo aheyd 22 jir Kurdish Irani ah ay ku geeriyootay gacanta booliska 16-kii September.

Badri Hosseini Khamenei, oo ku nool Iran islamarkaana la dhalatay Ayatollah Khamenei, ayaa cambaareysay xukunka wadaadada laga soo billaabo xilligii hoggaamiyaha aasaasay Jamhruuiyadda Islaamiga ah Ayatollah Ruhollah Khomeini illaa xukunka walaalkeed, sida lagu sheegay warqadda oo ku taariikheysan “December 2022”.

“Waxaan filayaa inay hadda ku habboon tahay inaan shaaciyo inaan kasoo horjeedo ficillada walaalkey, oo aan muujiyo sida aan ugu calool dabacsanahay dhammaan hooyooyinka la barooranaya dambiyada Jamhuuriyadda Islaamiga ah, kasoo billow xilligii Khomeini illaa xilliga khilaafada kali-taliska ah ee Ali Khamenei,” ayey ku qortay warqadda oo Arbacadii lasoo dhigay Twitter-ka wiilkeeda Mahmoud Moradkhani.

“Ciidamada Ilaalada Kacaanka ee Ali Khamenei iyo calooshood u shaqeystayaasha waa inay hubka dhigaan sida ugu dhaqsiyaha badan oo ay dadka ku biiraan inta ay goori goor tahay,” ayaa lagu yiri warqadda.

Ilaalada Kacaanka waa ciidamada xulka ah ee Iran, kuwaas oo ka caawiyay dalka inuu wakiilo ku yeesho Bariga Dhexe, waxayna maamulaan ganacsi baaxad weyn.

Talaadadii, Ilaalada Kacaanka ayaa soo saaray bayaan ay ugu baaqayaan hay’adaha garsoorka “in aan loo naxariisan qas-wadayaasha, tuugada iyo argagixisada,” taas oo muujineysa in maamulku aanu damacsaneyn inuu fududeeyo cadaadiska adag ee ay ku hayaan mucaaradka.

Afhayeenka garsoorka Iran, Masoud Setayeshi ayaa Talaadadii sheegay in shan qof oo lagu eedeeyay dilka xubin ka tirsan maleeshiyada Basij oo lagu magacaabay Rouhollah Ajamian lagu xukumay dil toogasho ah oo ay weli racfaan ka qaadan karaan.

Bishii November, Farideh Moradkhani oo uu abti u yahay Khamenei ayaa waxaa xiray mas’uuliyiinta kadib markii ay ugu baaqday dowladaha shisheeye inay xiriirka u jaraan Tehran.

REUTERS, VOA