Darawal GAARI oo markale lagu dilay gobolka Sh/Dhexe

Cadale (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in markale maleeshiyaad hubeysan ay nin darawal ahaa xalay ku dileen waddada dheer ee marta dhanka xeebta ee Cadale, xilli uu kusoo jeeday magaalada Muqdisho.

Falkan ayaa ka dhacay agagaarka degmada Raage Celle, waxaana lagu dilay mid ka mid ahaa darawallada gaadiidka ee isaga kala goosha deegaanada gobolkaasi.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Maxamuud Xasan Nuur, wuxuuna sanado fog ka shaqeynayey isaga oo darawal ahaa waddada xiriirisa Muqdisho iyo Sh/Dhexe.

Mid kamid ah ehellada marxuumka oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in rag burcad ah ay gaariga waddada u galeen, kadibna ay rasaaseeyeen marxuumka.

“Niman tuugo ah ayaa jidka u galay, kolley xabado ayeyna ku fureen qadarta Ilaahey isagaa ku geeriyooday,” ayuu yiri mid kamid  ehellada marxuumka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in gaariga uu waday Ari loo soo waday dhanka magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in mar qura uu rasaas ku furay nin hubeysan.

“Xittaa baabuurka istaag lama dhihin nin ayaa jidka kasoo dhacay xabad ayuuna huwiyay, gaariga Ari ayuu waday Xamar ayuuna usoo socday,” ayuu sii raaciyay.

Dhinaca kale wuxuu tilmaamay inay jiraan gawaari kale oo daba socotay baabuurka la rasaaseeyay oo iyaguna dhac baahsan loogu geystay inta ay ku socdaalayeen waddada.

“Baabuur kale oo la dhacay way jirtaa oo ka dambeysay gaariga la rasaaseeyey. Nin yahow maamulka waan la xiriirnay, laakiin jawaab kama helin,” ayuu markale yiri.

Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ku badan dilalka iyo isbaarooyinka, ayada oo dhowaan degmada Balcad lagu dilay nin darawal ahaa oo kusii jeeday Jowhar, dilkaas oo dhaliyay caro, ayada oo kadib lasoo qabtay eedeysanaha oo ay xukuntay maxkamadda ciidamada.