Ximan iyo Xeeb oo afar shardi hor-dhigtay DFS!

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo naga soo gaaraya Magaalada Cadaado, ayaa sheegaya in Maamulka Ximan iyo Xeeb ay DF Somalia ka dalbadeen Afar qodob oo aysan DF Somalia xiligaani awoodin.

Wararku waxa ay sheegayaan in qodobadaasi lagu xiray Madaxweyne Xasan iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha DF Somalia, iyadoona Maamulka uu ku gacan seeray fulinta Afartaasi qodob.

Qodobada DF lagu xujeeyay ayaa waxaa kamid ah:

1 – In DF Somalia ay dhisto Dekada Hobyo
2 – In lasii daayo Madaxweynihii hore ee Ximin Iyo Xeeb Tiicey oo u xiran Belgium.
3 – In Maamulka G/Dhexe laga dhigo 4-sano oo KMG ah
4 – In DF ay si degdeg ah u dhisto Garoonka Cadaado

Madaxweyne Xasan, ayaa ka biya diiday Afartaasi qodob oo ay usoo gudbiyeen Maamulka Ximan iyo Xeeb, waxaana la tilmaamayaa in Xasan uu u deeriyay kadib markii uu eegay howlaha horyaal DF.

Sidoo kale, Madaxweyne Xassan ayaa balamo gaar ah u dhigay Maamulka Ximan iyo Xeeb bacdamaa uu maamulka uu diiday in Caasimada gobolka laga dhigo Dhuusomreeb.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan ayaa iminka la tacaalaya xal ka gaarista Khilaaf hoosaad weli ka dhex taagan Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Cadaado iyo Dhuusamareeb, inkastoo marba marka xigta ay labada dhinac la imaanayaan qodobo hor leh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com