XOG: Tiradii ugu dambeysay ee xildhibaannada Jubbaland iyo sida beelaha u kala qeybsadeen

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyay ee laga helaayo shirarka ka socda magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in Ergooyinka Beelaha ka jooga shirkaasi ay wada gudbiyeen Magacyada xubnihii uga mid noqon lahaa Baarlamaanka Jubaland.

Wararku waxa ay sheegayaan in Beel kasta ay iminka ku mashquulsan tahay xulista xubnihii uga mid noqon lahaa Baarlamaanka Jubaland.

Odayaasha qaar ayaa beeniyay in shirka aysan isaga bixin, iyadoona dhamaan beeluhu ay diyaar u yihiin inay gudbiyaan magacyada xubnihii uga mid noqon lahaa Baarlamaanka.

Waxaa jiro beelo ay ka dhextaagan tahay kala argati duwanaan ku saabsan tirada kaga soo aaday qaybsigii xildhibaanada Jubaland balse waxa ay Odayaasha meesha ka saaren inay jirto beelo ka baxay shirka.

Shaxdii ugu dambaysay iyo qaabkii beeluhu uqaybsadeen xildhibaanada Jubaland ayaa waxaa kamid ah:-

Magaca    J/Hoose   J/dhexe   Gedo Guud

Absame           13          7           1            21

Sade                     1           0          17          18

Digil/Mirifle      0          5           4             9

Harti                    4           0           0           4

Sheekhaal            2          1           0            3

Gaaljecel             2+1        0           0          3

Jareer                  1           2            0            3

Baajuun              2            0           0            2

Ajuuraan            0            1            1            2

Dir                       1           0            1             2

Cawrmale           1            0           0           1

Tirada guud                                              68

Dhinaca kale, waxaa xusid mudan in sadax xubin oo xubnihii magacaabista ahaa ay tiradan ku jiraan oo beelaha qaar la siiyay halka 7 xubnood aanan weli la qeybinin.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com