Xiriirka cusub ee Eritrea iyo Somaliland iyo saameynta uu ku yeelanayo Jabuuti

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Somaliland ayaa waxay aaminsantahay in xidhiidhkan cusub ee u bilowday Somaliland & Eritrea uu saameyn taban ku yeelan karin xidhiidhkii hore kala dhexeeyay Dowladda Jabuuti.
Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibeda Somaliland Mudane Liibaan Yuusuf Cismaan ayaa bartiisa Twitter-ka ku baahiyey qoraal uu kaga hadlayo saamaynta uu ku yeelan karo xidhiidhkan cusub ee Eritera, xidhiidhkii hore ay ulahaayeen wadanka ay jaarka yihiin ee Jabuuti.
“Xidhiidhka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya Somaliand iyo Eritrea waa qayb ka mid ah isdhex-galka dhaqaale ee ka socda gobolka, waana mid lagu aas-aasay danaha ay wadaagaan labada dal.”
“Xidhiidhka aanu la yeelanay Eritrea ma badali doono ama saamayn taban kuma yeelanayo xidhiidhka taariikhiga iyo walaaltinimada ah ee u dhaxeeya somaliland iyo Djibouti.” ayuu ku yidhi qoraalka uu ku qoray bartiisa Twitterka Liibaan Yuusuf.
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com