Xisbiga Waddani oo shaaciyey xiliguu diyaar u yahay inay qabsoomto doorashadu

Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa ka hadlay sida ay diyaar ugu yihiin inay ka qeyb galaan qabsoomida doorashooyinka Somaliland.

Guddoomiye Cirro ayaa si cad u sheegay in xisbiga Waddani uu diyaar u yahay in uu galo doorashada, isagoona xusay inay diyaar u yihiin in wixii tabashooyin ah lagu dhameeyo miiska wada-hadalka.

Ciro ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in Mas’uuliyada qabashada doorashooyinku ay saaran tahay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

“Xilka qabashada doorashooyinka SL ee Wakiilada iyo Deegaankuba waxa uu saaran yahay M.Muuse, Haddii berri la qabanayo doorashooyinka Xisbiga WADDANI waa u diyaar” ayuu ku yiri Guddoomiye Ciro qoraal uu ku baahiyey bartiisa Twitter-ka.

Wuxuuna intaasi sii raaciyey “Waxa aanu diyaar u nahay in qabyooyinka doorashada ee uu dhismaha KDQ ugu horeeyo miiska wada-hadalka lagu dhammeeyo”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com