Xukuumadda Biixi oo qiil u sameysay saska ay ka qabto shirka lagu dhawaaqay

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay Shir uu dhawaan ku dhawaaqay Boqor Cismaan Aw Muxumed Buurmadow oo kamid ah Madax dhaqameedka reer Somaliland, kaasi oo ay dhawaan qabsanayaan Beelaha galbeedka iyo bariga Burco.

Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarka Jidadka Somaliland, C/laahi Abokor Cismaan ayaa shirkaasi ku sheegay mid siyaasadeysan oo aan lagaga wada-hadleyn Horumarka gobolka Togdheer.

Wasiir C/laahi Abokor oo warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inaysan xukuumadu sas ka qabin shirkaasi oo aan aheyn mid beeleed, wuxuuna yiri

“Waxaan arkayey iyadoo la leeyahay Shirkaa waxa lagaga hadlayaa Horumar, wixii horumar ah Qaranka waxa ugu xil-saaran Dawladda, laakiin reer uguma xil-saaran, Anigu taas ayuun baan durayaa, laakiin Dadku way shiri karaan oo dhib ma jirto”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Xukuumaddu kama sasana shirka ee hal Qodob ayuunbaa meesha yaalla, horumarka Gobolka yaa u xil-saaran, ma Caaqil baa u xil-saaran, ma Suldaan baa u xil-saaran, ma Sheekh baa u xil saaran. Dawladda waxa loo doortay inay Bulshada horumarkeeda iyo Arrimihiisa ka shaqayso”.

“Dadku way Shiri karaan oo si Caadi ah waa loo Shiri karaa, laakiin Duruufta taagani waxa weeyaan. Anigu Shirkan u arki maayo inuu yahay Shir beeleed ee waa Shir Siyaasadeed, Beesha iyo siyaasaddana in la is huwiyo maaha”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com