Xisbiyada siyaasadda dalka oo ‘laga hor-istaagay’ tagista xarunta guddiga doorashada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xisbiyada siyaasadda dalka ayaa wajahaya caqabado iyo culeyso badan oo dowladda Soomaaliya ay kaga hor-istaageyso inay tagaan xarunta guddiga doorashada qaranka.

Fowsiya Xaaji Aadan oo horey usoo noqotay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya haddana kamid ah Xisbiyada Siyaasadda ee dalka ka jiro ayaa maanta sheegtay inay ka taagan tahay tagitaanka Xafiiska Guddiga madaxa banaan oo ku yaal gudaha Xarunta madaxtooyada.

Waxay sheegtay inaysan xisbiyada tagi karin halkaas oo aysan awood u laheyn, taasina ay hor taagan tahay shaqadii guddiga.

Waxay asxaabta kula talisay in guddiga laga caawiyo sidii loogu dhisi lahaa dhulkii dhawaan laga siiyey Magaalada Muqdisho, taasoo ay ku tilmaamtay inay tahay mid dan u ah Dalka iyo Xisbiyada.

“Masuuliyiinta Xisbiyada dhibaato ayay ku qabaan in ay tagaan xarunta Guddiga madax banaan doorashooyinka ee ku yaala Madaxtooyada” ayey tiri Fowsiya.

Fowsiya ayaa sheegtay inay Dowladda Soomaaliya ka doonayaan inay dalka ka dhacdo Doorasho qof iyo Cod ah.

Waxay sheegtay in Xisbiyada mucaaradka ay u diyaar garoobeen in dalka ay ka dhacdo Doorasho Qof iyo cod si looga gudbo hab qeybsiga 4.5

“Xisbiyada midowbay waxaa ka go’an oo ay garteen in danta dalka ku jirto in laga gudbo 4.5 loona gudbo codeyn qof iyo cod ah”

Waxay tilmaamtay inay arrintaas 2017 ku heshiiyeen Dowladdii hore iyo Maamul Goboleedyada, waxayna sheegtay inay tahay wax fudud oo la qaban karo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com