Xisbiyada Wadani iyo UCID oo ku guuleystay maamullada BURCO iyo Laascaanood

Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiyada mucaaradka ee Somaliland ayaa guullo ka soo hoyey doorashada hoggaanka golaha deegaanka ee magaalooyinka Burco iyo Laacsaanood oo ka kala tirsan gobollada Togdheer iyo Sool oo dhaca waqooyiga dalkeena Soomaaliya.

Burco waxaa guddoomiyaha golaha deegaanka loo doortay, Cabdirisaaq Hero, halka ku xigeenkiisana loo doortay Mukhtaar Baaryare, sida uu shaaciyey maamulka doorashada.

Labada mas’uul ayaa ka wada tirsan xisbiga mucaaradka ee UCID, kaas oo si weyn usoo dhoweeyey goosha ay kasoo hoyeen magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Sidoo kale duqa magaalada Laacsaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa loo doortay Cabdiraxiin Cali Ismaaciil oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ee Wadani, halka sidoo kale ku xigeenkiisana uu noqday Axmed Maxamud Cumar (Kawte) oo isna ka tirsan xisbiga UCID.

Arrintan ayaa ku timid, kadib heshiis dhex-maray labada xisbi ee mucaaradka ee Wadani iyo UCID, kuwaas oo dhowaan isbaheysi siyaasadeed uga dhowaaqay magaalada Hargeysa.

Si kastaba mas’uuliyiinta ku soo baxay doorashadan ee hoggaamin doono Burco iyo Laascaanood ayaa ah kuwo dhalinyaro ah oo laga sugayo inay hormariyaan deegaanadaasi.

Somaliland ayaa waxaa 31-kii bishii hore ee May ka dhacday doorasho ballaaran oo isugu jirtay tan baarlamaanka iyo mida golaha deegaanka oo ay ku tartameen xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo kuwa mucaaradka ee Somaliland ee Wadani iyo sidoo kale UCID.