Xizbullah oo ugu dambeyn gacanta ku dhigtay hub ay ka cabsi qabtay ISRAEL

Beirut (Caasimadda Online) – Hoggaamiyaha ururka Xizbullah ee dalka Lubnaan ayaa sheegay in kooxdiisa ay hadda haysato laba laab tirada gantaallada la hago ee ay haysatay sanad ka hor, islamarkaana isku dayo ay Israel kaga hortageysay inay hubkaas helaan uu fashilmay.

Hassan Nasrallah, oo wareysi siiyay taleefishinka saldhiggiisu yahay Beirut ee Al-Mayadeen, ayaa sheegay in kooxdiisa ay awood u leedahay inay weerarto meel kasta oo ka mid ah Israel iyo dhulka la haysto ee Falastiin.

Nasrallah ayaa sheegay in markii ay Israel ugu hanjabtay Xizbullah, ayada oo usoo marineysa sarkaal Mareykan ah, inay weerereyso xarumo ku yaalla gobolka bari ee Bekaa, ay kooxdiisa ka digtay inay aargudan doonto.

Israel ayaa bilihii tegay walaac ka muujisay in Xizbullah ay dhiseyso warshad soo saarta gantaalada la hago.

Intii uu socday wareysiga, ayaa Nasrallah waxa uu sheegay inay jiraan arrimo badan oo kooxdan ku saabsan oo aysan Israel waxba ka ogeyn, sababtoo ah buu yiri “aad ayaa loo qariyaa.”

Waxa uu sidoo kale sheegay in toddobaadyada xilka uga haray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ay yihiin kuwa xasaasi ah, oo ay tahay in taxaddar leh loola macaamilo. Waxa uu Trump ugu yeeray “mid waalan oo carreysan.”

Nasrallah ayaa mar kale wacad ku maray in Iran iyo xulufadeeda ay ka aargudan doonaan dilkii taliyihii guutada Quds ee ciidamada ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, Qassim Soleimani, kaasi oo Mareykanka ay ku dileen Iraq, sanad ka hor.