Rooble oo xilka ka qaaday xoghayihi joogtada xafiiskisa, magacaabayna mid cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xilkii ka qaaday Xoghayaha Joogtada ee xafiiska ra’iisal wasaaraha Cabdirisaaq Caato, isaga oo xilkaas u magacaabay Maxamed Ibraahim Nuur.

Xilka Xoghayaha joogtada ee xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa markii hore waxa si kumeel gaar ah u hayay Cabdirisaaq Caato, oo isla maalmo gudahood markii xilkaas loo magacaabay laga qaaday, haddana dib loogu soo celiyey.

Maxamed Ibraahim Nuur oo ku cusub saxaada siyaasada ayaa dhawaan waxa uu la taliye sarre u ahaa madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-Gareen, isaga oo hore uga mid ahaa barayaasha jaamacadaha magaalada Muqdisho.

Dr. Maxamed Ibraahim ayaa horey uga mid ahaa macalimiinta iyo Maamulka Jaamacadda SIMAD, wuxuuna dhawaan galay siyaasadda markii uu la taliye u magacaabay madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Waxay kusoo aadeysa magacaabista uu sameeyay ra’iisal wasaaruhu iyada oo muddo kooban ka hartay muddo xileedka dowladda madaxweyne Farmaajo, isla markaana ay jirto xiisad hor leh oo ka taagan arrimaha doorashooyinka dalka.

Tallaabada uu qaaday Ra’isul wasaare Rooble ayaa siyaabo kala duwan looga hadlay, waxaana lagu sheegay inay tallaabadaan tahay tii ugu horeysay ee geesinimo leh oo uu Ra’isulwasaaraha qaado tan iyo markii loo magacaabay xilkaan.