Xog: Afgooye oo Farmaajo u gudbiyey dacwad ka dhan ah Filish iyo ku-xigeenkiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Warqad ka soo baxday xafiiska Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka Dr. Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) oo ah cabasho ka dhan guddoomiyaha maamulka gobalka Banaadir iyo ku xigeenkiisa 1-aad Caana-boore ayaa la gaarsiiyay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. 

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa tilmaameysa in xafiiska Hanti-dhowrka uu Madaxweyne Farmaajo u sheegay in musuq-maasuq ba’an uu ka socdo gobolka, islamarkaana lagu takri falayo hantida dadweynaha.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Hanti-dhowrka Qaranka uu Madaxweyne Farmaajo u sheegay in la xiray akoonkii gaarka ah ee gobalka Banaadir lacagtii dowladda Hoose-na lagu shubo akoono gaar ah oo aysan jirin cid la socota, iyo in qeyb kamid ah mushaarka shaqaalaha gobalka Banaadir aan la bixin ilaa hadda. sababo la xariira in la musuq-maasuqay lacagta gobolka. 

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in uu guddoomay Madaxweyne Farmaajo islamarkaana uu ballan-qaaday in uu wax ka qaban doono eedaha loo soo jeediyay masuuliyiinta gobalka Banaadir.

Dacwadda uu gudbiyay Xafiiska Hanti-dhowrka ayaa ku beegneed maalmo ka hor todobaadka Xorriyada, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda uu wax ka qabto Madaxweyne Farmaajo. 

Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa sii kordhaya maamul xumada iyo dhibaatooyinka kale ee ka jira gobalka Banaadir, kuwaasoo saameeyay guud ahaan shaqada gobalka iyo tan dowladda Hoose. 

Caasimada Online ayaa dhowaan qortay warbixino wadata caddeymo oo si buuxda u faah-faahisay akoonada gaarka ah ee maamulka gobolka Banaadir uu furtay, ee lagu shubo lacagta gobolka, iyo warqad uu arrintaas kaga horyimid hanti-dhowraha qaranka. Halkan ka aqri warbixintaas.