Ganacsade Soomaali ah oo lagu la’yahay Koonfur Afrika

Cape Town (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in nolol ama geeri lagu la’yahay Cabdullaahi Bootaan Saruurow oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha wadankaasi Koonfur Afrika.

Saruurow ayaa la waayey saddex cisho, ka hor, lamana oga illaa iyo hadda meel uu jaan iyo cirib dhigay, sida ay warbaahinta u sheegeen ganacsatada Soomaalida.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daray in muwaadinka Soomaaliyeed ee la la’yahay la waayey, isaga oo gaari Alaab ku wada, kana baxay halka uu deganaa oo ah Brits oo ka tirsan Gobalka North West, waxaana uu ku jeeday Thabazimbi oo (146,4 km) u jirta Brits.

Ganacsatada Soomaalida ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in haatan ay wadaan dadaallo ku aadan sidii lagu heli lahaa muwaadinkaasi Soomaaliyeed, iyaga oo kiiskan la wdaagay ciidamada Booliska ee wadanka Koonfur Afrika, si daba-gal loogu sameeyo dhacdadaasi.

Maqnaashaha ganacsade Cabdullaahi Bootaan Saruurow ayaa wal-wal xoogan iyo walaac ku abuuray muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha dalka Koonfur Galbeed, kuwaas oo sheegay inay haatan wajahaan xaalado amni iyo dhibaatooyin is-biirsaday.

Koonfur Afrika ayaa ka mid ah wadamada lagu dhibaateeyo Soomaalida, waxaana inta badan loogu geystaa dil, dhaawac iyo sidoo kale boob hantiyeed.

Si kastaba muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa sare u kacay weerarada ka dhanka ah ganacsatada Soomaalida ee dalkaas oo dhibaatooyin kala kulma kooxo Koonfur Afrikan ah.