Agaasimaha madaxtooyada Jubaland oo lagu xanibay garoonka Aadan Cadde

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Madaxtooyada Jubbaland, Abshir Maxamed ayaa maanta lagu xanibay garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde, xilli uu kusiii jeeday magaalada Nairobi, sida ilo xog-ogaal ah ay u xaqiijiyeen Caasimada Online

Agaasimaha ayaa waxa saacado badan lagu xanibay garoonka, iyada oo lagu wargeliyay inay haysato Nabadsugida, wallow aan si dhab ah loo ogeyn sababta rasmiga ah ee ay u hakisay.

Abshir ayaa markii hore rabay inuu Muqdisho uga duulo Baasaboorka Sooomaaliga ee Diblomaasiga oo uu ku jiray liiska madow, ee xubnaha baasaboorka la hakiyey, oo lagu daray xiligii uu jiray khilaafkii dowladda federaalka iyo Jubbaland. Hase yeeshee wuxuu markii dambe lasoo baasaboor kale oo ajnabi ah oo uu sitay.

Hakinta lagu sameeyay Abshir ayaa waxa ka dhashay buuq iyo ismari-waa xoogan, kaasi oo uu ugu dambeyntiina keentay inay goobta yimaadaan Wasiirka arrimaha dibedda iyo wasiirka duulista Soomaaliya, oo garoonka ku sugnaa xilligaas.

Cawad iyo Oomar ayaa murankaasi meesha ka saaray kadib markii ay la xiriireen Mas’uuliyiintii hay’adda la sheegay inuu u xayiran yahay agaasimuhu, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan madaarka.

Agaasimaha ayaa ugu dambeyntiina loo ogolaaday inuu ka duuli karo garoonka Muqdisho, xili ay ka tagtay diyaaradii uu raaci lahaa.

Si dhab ah uma caddo arrinta ay Nabadsugidu ay ku haysato Abshir, iyo nooca ay aheyd waan-waanta ka dambeysay in dib loogu fasaxo inuu ka duuli karo magaalada Muqdisho. Mana jiro wax war ah oo kasoo baxaya maamulka Jubbaland iyo wasaarada duulista oo ku aadan hakinta lagu sameeyay agaasimaha.