Xog: Ahlu Sunna oo kusoo biirtay tartanka gudoomiyaha baarlamanka GALMUDUG

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Hoggaanka Ahlu Sunna Waljameeca ee Gobolada Dhexe ayaa lasoo baxay nashqad cusub oo ay uga qeyb galayaan awoodaha ugu sarreeyo maamulka Galmudug ee la filayo in dhawaan lagu dhiso Magaalada Dhuusamareeb.

Ahlu Sunna oo markii hore dooneysay inay musharax u keensato guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Galmudug ayaa hadda qaadatay go’aan midkaas ka duwan oo dhibaato ku ah qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ahlu Sunna ayaa dooneysa inay u tartanto xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo la filayo in maalmaha soo socdo lagu tartamo, waxayna miiska soo saaratay shakhsi kasoo jeedo Beesha Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre.

Sida ay ogaatay Caasimadda Online, shakhsiga ay wadato Ahlu Sunna ayaa waxaa lagu magacaabaa Cabdi Maxamuud Fiidow oo kasoo jeedo Beesha Murusade oo tartan adag ugu jirta sidii ay mar labaad u heli laheyd kursiga Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa aad looga tartami doonaan, waxayna Dowladda Soomaaliya wadataa Maxamed Nuur Gacal oo kamid ah la taliyaasha Ra’isulwasaare Kheyre kana kasoo jeedo Beesha Murusade, sidoo kalana waxaa jira musharixiin kale oo ay wataan danleyda siyaasadeed ee Gobolada Dhexe.

Ahlu Sunna ayaa Baarlamaanka Galmudug ku leh 20 Xildhibaan oo ay u ogolaatay Dowladda Soomaaliya, waxaana sidoo kale la rumeysan yahay inay Baarlamaanka ku darsatay xubno kale oo daacad u ah taasoo dhabar jab ku noqon karta Dowladda iyo musharixiinta kale.

Mudaneyaasha baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Galmudug oo fadhigii ugu horeeyay maanta oo Axad ah ku yeeshay magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimada Maamulkaasi ayaa doortay guddoon ku meel gaar ah.

Xildhibaan Xasan Keynaan Xalane oo lagu sheegay xubinta ugu da’da weyn golaha ayaa loo xushay in afhayeenka ku meel gaarka ah uunoqdo baarlamaanka Labaad ee Galmudug.

Keynaan ayaa xilka sii hayn doona inta laga dooranayo gudoomiyaha rasmiga ah ee Golaha Wakiiladda maamulkaas.

Xildhibaan Xalane ayaa kamid ahaa baarlamaankii ku meel gaarka ee dowladdii madaxweyne 7 aad ee dalka Shariif Sheekh Axmed.