Amiirka Qatar oo ka degay IRAN, kuna dhowaaqay mowqifka dalkiisa

Tehran (Caasimadda Online) – Amiirka Dalka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa maanta booqasho lama filaan ah ku tagay magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iran, xilli ay xiisad ka taagan tahay Bariga Dhexe.

Amiir Tamim ayaa sheegay in mowqifka dowladda Qatar uu yahay inay taageersan tahay mowqifka Iran,  maadaama uu sheegay inay Iran ay garab wanaagsan siisay waqtigii ay god’oomiyeen dowladaha Carabta ee ay hogaaminayaan Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Amiirka ayaa sheegay inay Iran Dekadaheeda iyo Hawadeeda u furtay Qatar markii ay Dowladaha Khaliijka go’doomin dhinac walba saareen dalkaan qaniga ah.

Amiirka Qadar ayaa carabka ku adkeeyay, xilli ay si wadajir ah shir jaraa’id u wada qabteen isaga iyo Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani, in xalka kaliya ee khilaafaadka Gobolka uu yahay wadahadal iyo in la yareeyo waxyaabaha keenayo in xiisadda sare usii kacdo.

Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa tilmaamay in wadahadladii uu la yeeshay Rouhani ay ahaayeen kuwa wanaagsan oo miro dhal ah, isagoo intaas sii raaciyey in xiriirka ka dhaxeeyo Iran iyo Qatar uu yahay mid taariikhi ah oo ay labada dowladeed ka gaareen horumar weyn.

Wuxuu sidoo kale xusay inuu madaxweynaha Iran Rouhani u fidiyey casuumaad rasmi ah oo uu ku tagayo caasimadda Qatar ee Doha.

Dhiniciisa, Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani ayaa sheegay in labada dal ay go’aansadeen inay kordhiyaan tirada isweydaarsiga booqashooyinka dhexdooda ah, isagoo intaas ku daray muhiimadda ay leedahay nabadgelyada gobolka, gaar ahaan Khaliijka.

“Waxaan go’aansannay inaan sii wadno iskaashiga iyo wadatashiga labada dal, waxaana rajaeynayaa in xiriirka ka dhexeeya Doha iyo Tehran uu sii fidi doono.” ayuu yiri.

Booqashada Amiirka Qatar ee Tehran ayaa kusoo aadeysa xilli ay sare u kacday Xiisadda u dhaxeyso Mareykanka iyo Iran oo gaartay inuu Mareykanka duqeyn ku dilo sarkaal sare oo Iranian ah, halka Iran ay gantaallo ku garaacday saldhigyada Mareykanka ee Ciraaq.