Xog: Beel hubeyneysa ninka sida weyn uga soo horjeeda C/W Gaas

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya dhanka Guddoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Bari ee Puntland C/samada Maxamed Cali Gallan, ayaa sheegaya inuu gudoomay Hub kaga imaaday Ganacsatada Beeshiisa.

Gallan ayaa Hubkaasi waxa uu kasoo gaaray Beeshiisa kadib markii C/wali Gaas uu odayaasha ku heebta ah Gallan u cadeeyay inaanu dhaafi doonin islamarkaana uusan wakhti gaar ah ku lumin doonin, waa hadii uusan Hubka iska dhigin.

Hubkaani ayaa la sheegay inay isugu jiraan kuwo laga soo kala qaaday dhinacyada Hubeysan ee ku qabiilka ah Gallan iyo qaar la sheegay in lasoo iibshay.

Hubka gaaray Gallan ayaa u badan Hubka fudud iyo Rasaas, waxa uuna ujeedka Hubkaasi yahay inuu isaga difaaco ciidamada daacada u ah Gaas.

C/samad ayaa wacad ku maray in duulaankiisa uu caqabad ku noqon doono C/wali Gaas, waxa uuna cadeeyay in shaqsi ahaantiisa uusan duulaan ku aheyn shacabka balse uu iyaga badbaadinaayo.

Gallan waxa uu intaa raaciyay in mowqifkiisa uu wali yahay mid aan isbedel ku imaan, oo halkiisa hore taagan.

Docda kale, caga jugleynta Gallan ayaa kusoo beegmeysa xili dhawaanahaani uu fashilmay ilaa laba kulan oo dhexmaray Odayaasha ku heebta ah Gallan iyo C/wali Gaas kaasi oo kusoo idlaaday fashil.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com