Xog: Madaxda madasha oo wali isku mari la’ 2 arrin oo xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka socda shirar gaar gaar ah oo u dhexeeya Madaxda DFS iyo Hogaamiyayaasha maamulada dalka kaasi oo intiisa badan xal laga gaaray, ayaa waxaa haddana jira is fahan dari hoose oo ka taagan wadada loo mari lahaa Xildhibaanada aqalka sare umatali lahaa deegaanada Khaatumo.

Dowlada Somalia ayaa ku doodeysa in Xildhibaanada aqalka sare umatali lahaa deegaanada Khaatumo ay iyada soo xusho maadaama Khaatumo ay isku heystaan maamulada Puntland iyo Somaliland.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa ku doodaaya in Xildhibaanada aqalka sare u matali lahaa Khaatumo lagu biiriyo kuwa Puntland, waxa uuna Gaas sheegay in sharci ahaan Khaatumo ay hoostagto maamulka Puntland markii laga soo tago gooni isku taageeda.

Muranka ugu badan ee xuquuqda Khaatumo ayaa ah in Puntland iyo Somaliland laga dhex saaro islamarkaana ay Xildhibaanada ka imaan doona deegaanada Khaatumo maamusho dowlada Somalia, inta xal Siyaasadeed laga gaaraayo maadaama wakhtigu uu yahay mid is guraaya.

Sidoo kale waxaa jiro aragtiyo kala duwan oo ay soo jeediyeen Hogaamiyayaasha kale ee xubnaha ka ah Madasha islamarkaana ku shirsan magaalada Muqdisho waxaana kami ah:

1-In cadadka lasiiyay Somaliland wax laga jaro islamarkaana xildhibaanada khaatumo umatalaya aqalka sare laga soo xulo Puntland.

2-In cadadka loo qoondeeyay Puntland wax laga soo jaro islamarkaana xildhibaanada khaatumo umatalaya aqalka sare lagu daro kuwa Somaliland.

3-In cadadka loo qoondeeyay maamulada Puntland iyo Somaliland laga jaro tirooyin siman islamarkaana Khaatumo ay sidaa ku hesho qoondo iyada u gaar ah.

Muranka xoogiisa ayaa ah dhinacyada kala matalaaya maamulada Puntland iyo Somaliland, waxaana sidoo kale murankaasi xal u helidiisa ku jahwareersan Madaxtooyada Somalia oo iyadu horay uga jiifatay xalinta qoondada Khaatumo.

Dhulka Khaatumo ayaa waxaa lahaanshihiisa isku haya maamulada Puntland iyo Somaliland waxaana suuragal ah in isku tuurtuurkaasi uu sabab u noqdo in Khaatumo ay cadad aad u yar ka hesho Aqalka sare.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com