XOG: BEESHA CAALAMKA oo si toos ah faraha ula soo gashay doorashada dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Reer Galbeedka ayaa bilaabay qorshe ay qaar kamid ah midowga murashaxiinta sanadkaan kaga dhaadhicinayaan inay ka tanaasulaan tartanka doorashada, si looga adkaado musharaxiin soo saartay xildhibaano badan.

Wakiillada ayaa fariimo isku mid ah gaarsiinaya murashaxiinta qaar, si aan fursan loo siin madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo iyo Saciid Deni oo loo arko inay Soomaaliya uga sii dari karaan.

Murashaxiinta ay gaartay fariintaas waxaa kamid ah Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Amb Daahir Maxamuud Geelle, Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble, Cabdinaasir Cabdulle iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Safiirka Talyaaniga u jooga Soomaaliya Danjire Alberto Vecchi oo kulamadaas horboodayay ayaa qaar ka mid ah murashaxiinta wuxuu ka niyad jabiyay waxa laga aaminsan yahay saaxiibada taageera Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu u sheegay in doorashada guddoonka Barlamaanka ee soo horeysa looga fadhiyo Soomaalida inay soo xulaan guddoon aqoon u leh dhismaha hay’adda sharci dejinta oo ay ka fogaadaan un kursi daneyn iyo in saaxiibnimo lagu soo xulo.

Waxaa kale oo jiri doona liis dad qaswadayaal ah oo soo bixi doona dhaarinta xildhibaanada kadib, taasi oo qaar kamid ah dowlad goboleedyada ay walaac xoogan ka qabaan.

Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa si dhow ula socda arrimaha doorashooyinka dalka, ayada oo ay ka go’an tahay qaarkood in markale uusan soo laaban Farmaajo, oo dhowr jeer qaaday tallaabooyin xaalad hubanti la’aan ah galiyay dalka.