Xog: Garoonka Muqdisho oo galay xaalad amni oo hakad gelin gaartay duulimaadyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin 27-kii bishan ay baahisay Caasimada Online oo sheegeysay in weerar ismiidaamin ah iyo qaraxba lala damacsan yahay shirkad ka howlgasha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa saddax maalin kadib oo ku beegneyd shalay laga dareemay gudaha garoonka iyo bannaankaba.

Warbixin lasoo gaarsiiyay laamaha ammaanka ee gudaha garoonka ayaa argagax iyo cabsi ku beeray dadkii ku sugnaa gudaha garoonka iyo banaankaba, kadib markii lagu soo wargeliyay in kooxo ka tirsan Al-Shabaab ay soo galeen dhinaca Afisyooni ee garoonka iyo cabsi kale oo laga muujiyay weeraro ka dhaca iridka laga galo garoonka.

Warbixintaasi kadib oo isku dhex yaac dhalisay ayaa garoonka qarka u saarmay in la joojiyo duulimaadyada imaanayay iyo kuwii baxayayba.

Ciidamada kala duwan ee ammaanka ayaa kusoo aruuray gudaha garoonka, waxayna sameeyeen howlgal iyo in dadkii ku sugnaa gudaha garoonka iyo bannaankiisaba loo digo, lana mariyay baaritaan aad u adag.

Falkaasi qalqalka abuuray ayaa waxay ka danbeysay warbixintii Caasimada Online ay daabacday 27-March taasoo kasoo baxday hay’adda NISA oo ka digeysay in qof ismiidaamiye ah uu beegsanayo mid ka mid ah gaadiidka shirkadda SAHAL ee daabula shaqaalaha garoonka Muqdisho.

Dhinaca kale, sirdoonka shisheeye ee ku sugan gudaha Xalane ayaa ka digay weeraro la mid ah kii ka dhacay gudaha garoonka Muqdisho todobaadkii hore oo lagu beegsaday qeybta Marina Gate ee ajaaniibta degan yihiin iyo weerarkii Baladweyne mid la mid ah.