Xog: Beesha Mudullood oo Cali Guudlaawe hordhigtay laba darran mid dooro

Jowhar (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka Mudullood iyo siyaasiinta beeshaas ayaa la sheegay in Madaxweynaha HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) usoo jeediyeen inuu kala diro guddigii uu magacaabay madaxweynihii ka horeeyay ee Maxamed Cabdi Waare, guddigaas oo ah heer dowlad federaal.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in siyaasiinta Mudullood ay Madaxweyne Cali Guudlaawe u jeediyeen inuu kala diro guddigaas ama maamulkiisa ay culeys saari doonaa si lamid ah beesha Xawaadle.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa hadda ku dhiban go’aanka ay qaateen qaar kamid ah siyaasiinta Beesha Xawaadle, waxaana aad u adkaan doonto rajadiisa ku aadan sii maamulida HirShabeelle haddii ay ka soo horjeestaan beeshiisa Mudullood oo hadda la dhacsan maamulkiisa.

Waxaa sidoo kale Guudlaawe haysta culeys iyo ballan uu ka qaaday Villa Somalia markii laga dhigayey madaxweynaha, taasi oo aheyd inuu la shaqeyn doono garabna u noqon doono, xilli dalka uu ka jiro loolan siyaasadeed adag.

Guddiyada doorashada HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa la xareeyay waxaana wali soo baxaya doodaha arrintaan ka taagan oo ay muujinayaan siyaasiinta mucaaradka ah.

Ma cadda, go’aanka uu qaadan doono Guudlaawe, waxaase macquul ah inuu muddo lasii shaqeeyo madaxtooyada illaa xaaladda ay ka gaareyso meel sare.