Xog: Askari isku dayey inuu rasaaseeyo guddoomiye Cumar Filish oo la toogtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka ilaalada Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filsh) ayaa dhaawacay askari Boolis ah oo Arbacadii isku dayay inuu rasaaseeyo guddoomiyaha gobalka ahna duqa Muqdisho.

Falkan ayaa ka dhacay xaafad ka tirsan degmada Wadajir oo uu kormeer ku sameynayay Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, xilli uu ka soo laabtay dhagax dhigga wado laami ah oo laga dhisayo Kaxda.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in guddoomiyaha gobalka uu kormeer ku tagay jid laga dhisayo Wadajir, kormeerkaas oo ahaa mid aan hore loo shaacin, waxaana markii uu meesha tagay u diiday askari boolis ah oo sheegtay inuu aagaas ka taliyo laguna soo wargelin booqashada guddoomiyaha.

Ciidankii la socday guddoomiyaha ayaa la sheegay in askariga qoriga kula dhageen kadibna ay ka saareen qasnadii ku jirtay balse uu askari ku dhaawacay xabad raacsaneyd qoriga.

Ciidanka ilaalada guddoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa dhaawac culus u geystay askarigan, iyagoo dhaawaciisa hore usoo qaatay kadibna iska dhigay meel u dhaw xarunta gobalka Banaadir.

“Markii uu billaabay inuu rasaas rido qoriga ayaa kula dhagnay kadibna waxaan gaariga buruufta ah kula cararnay duqa magaalada, nasiib wanaag hal askari ayaa nooga dhaawacmay,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha ka tirsan ciidanka ilaalada Cumar Filish.

Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay guddoomiyaha maamulka Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho oo arrintaan ku saabsan. Xiriiro aan la sameynay maamulka Gobalka wuu ka gaabsaday inuu arintaan ka hadlo.