Xog: Madaxweyne Farmaajo oo wada-hadal la billaabay guddoomiye Cabdi Xaashi

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya ogolaaday inuu wadahadal la furo guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Madaxweyne Farmaajo uu doonayo in Guddoomiye Cabdi Xaashi cabashadiisa ka dhageysto kadibna lagu qanciyo inuu ogolaado guddiga ama isbadal lagu sameeyo xubnaha guddiga, si Villa Somalia isaga dejiso culeyska ka saaran dibadda iyo siyaasadda gudaha.

Guddiga doorashada ee heer dowlad gobaleed, islamarkaana ka socda goballada waqooyi ayaan wali lagu darin guddiyada dorraad la xareeyay ee HirShabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed waxaana sababta lagu sheegay inuu wada-hadal jiro.

Xubnaha beesha caalamka ayaa Madaxweyne Farmaajo ku adkeeyay inuu dhageysto doodda Guddoomiye Cabdi Xaashi oo macquul ah sida la sheegay. Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa diidan qaabka loo maray magacaabista guddiyada Goballada Waqooyi, waxaana tan iyo markii la magacaabay isa soo tarayay doodda ka taagan.

Villa Somalia ayaa damacsan in heshiiska ay la galeyso Cabdi Xaashi isaga dejiso culeysyada la saaray ee ka imanaya beesha Caalamka iyo siyaasiinta Soomaalida.

Sidoo kale haddii ay guddigaas ay wax ka beddasho waxaa la sheegay in ay dooneyso in aysan beddalin kuwa kale iyadoo sabab uga dhigeysa in ay dhageysatay cabashada guddiyada wixii macquul ahna ay badashay.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa sheegay in saaxiibada mucaaradka looga baahan yahay in ay tilmaamaan dadka ay dooda ka qabaan ee ku jira guddiyada si loo badalo ama leeskula arko. Arrintaas ayaa la sheegay in ay aheyd caalamad muujineysa in Villa Somalia soo dabacday.