Xog: Beesha Xawaadle oo go’aan ka qaadaneysa kasii mid ahaanshaha HirShabelle

Beledweyne (Caasimada Online) – Magaalooyinka Muqdisho iyo Beladweyne waxaa ka socda kulamo gaar gaar ah oo ay leeyihiin xubno kamid ah siyaasiinta iyo mas’uuliyiinta Beesha Xawaadle. Kulamadaan ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda HirShabeelle, gaar ahaan arrimaha doorashada iyo tabasho ay qabto beesha.

Kulamadaan ayaa waxaa hoggaaminaya Madaxweynaha HirShabeelle, Madaxweynihii hore ee maamulka Cali Cabdullaahi Cosoble iyo mas’uuliyiin kale, halka kulamada Beladweyne ay wadaan odayaal iyo siyaasiin kale.

Caasimada Online ayaa heshay xogo ku saabsan kulamadaas, kuwaas oo sheegaya in siyaasiintaan ay maalmaha soo socda kulan weyn ku yeelan doonaan Beladweyne waxaana kulankaas qeyb ka ahaan doono Madaxweynaha HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo masuuliyiin kale waxayna ka arrinsan doonaan xaaladda HirShabeelle.

Xubno kamid ah qaban qaabiyaasha shirka ayaa sheegay in ay beesha kaga dhawaaqi doonto go’aan adag Beladweyne kaas oo saameen weyn ku yeelan kara dhismaha maamulka, waxaana laga yaabaa in ay shaaciyaan ka fiirsashada kasii mid ahaanshaha HirShabeelle.

“Haddii aanan helin Madaxweyne waxaa naga go’aan inaa ka baxno maamulka hadii sidaan ay xaalada sii ahaatana waxaa waajib ah in dib loogu laabto qaraarkii lagu dhisay HirShabeelle” ayuu yiri mid kamid ah Xildhibaanada HirShabeelle oo ka soo jeeda gobalka Hiiraan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Taabid Cabdi Maxamed ayaa Shalay iyo Dorraad soo saaray baaqyo ku aadan in aan lagu deg degin dhismaha baarlamaanka 2-aad ee HirShabeelle ilaa laga xaliyo tabashooyinka beelaha.

Madaxweynaha cusub ee HirShabeelle ayaa la filayaa inuu noqdo Cali Guudlaawe oo hadda ah madaxweyne ku xigeenka maamulka, kana soo jeeda beesha Harti Abgaal. Guudlaawe ayaa waxaa gadaal ka riixaya dowladda federaalka.