Dr. CALI KHALIIF Galaydh oo maanta geeriyooday

Jigjiga (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galaydh ayaa goordhow ku geeriyooday magaalada Jigjiga, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya.

Warkan ayaa lagu sheegay qoraal kooban oo uu barta twitter-ka soo dhigay afhayeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar. Wax faah-faahin oo intaas dheer lagama bixin geerida Dr. Cali Khaliif Galaydh.

Dr Galaydh ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay ku xanuusnaa gudaha magaalada Jigjiga, iyada oo u geeriyooday xanuunka oo si kedis ah ugu kordhay.

Cali Khaliif Galaydh ayaa hore usoo noqday ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey ee dalka kadib burburkii, markaasi oo uu magacaabay madaxweynihii dowladdii ku-meel gaarka ahayd Cabdiqaasim Salaad Xasan, sanaddii 2000. Wuxuu xilka hayey October 8, 2000 illaa October 28, 2001.

Galaydh ayaa sidoo kale ahaa hogaamiyaha maamulka Khaatumo, gaar ahaan garabkii la heshiiyey xukuumada Somaliland oo ay aad iskugu hayeen fikirka maamulkaasi.

Wuxuuna muddo badan olole tabliiq siyaasadeed ah ka waday gudaha Somaliland, kaasi oo uu ku dalbanayay in la helo Somaliland la wada leeyahay, isla markaana dastuurka dib loogu furo beelaha darafyada.