Ciidamada Xoogga dalka oo isaga soo baxay Basra iyo Al-Shabaab oo la wareegay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay dib uga soo baxeen deegaanka Basro iyo tuulooyin kale oo hoos yimaada, kuwaas oo dhaca wadada xiriirisa magaalada Afgooye iyo Balcad.

Wararka ayaa sheegay in dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ay durbo la wareegeen deegaanadaasi, kuwaas oo isku fidiyey halkaasi.

Meelaha ay soo baneeyeen ciidamada waxaa ka mid ah Basra,Daniga Baalow,Buulo Kuunto iyo Walamoy.

Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale inoo sheegay in haatan dagaalyahanada Al-Shabaab ay howl-gallo iyo dhaqaaqyo ay ka wadaan deegaanadaasi.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, iyadoona ay sii xoogeysanayaan dhaq-dhaqaaqyada labada dhinac ee ka socda halkaasi.

Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa todobaadyadii u dambeeyey howl-gallo ballaaran ka waday duleedka Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Si kasta ha’ahaatee shalay ayey aheyd markii qarax dhaliyey khasaare culus ciidanka ilaalada guddoomiyaha magaalada Balcad lagula eegtay duleedka degmadaasi.