Xog: Beyle oo guri wayn ka dhisanaya Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu guri wayn ka dhisanayo magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Soomaaliland.

Gurigaan oo ka kooban dhismo wayn oo dabaq ah ayaa dhismihiisa wali waxa uu ka socdaa Xaafadda Jig Jiga yar ee magaalada Hargeysa waxa uuna sidoo kale gurigaan oo dhismihiisa wali socda ka kooban dhowr dabaq sida ay muujinayaan sawirada laga soo qaaday dhismaha guriga, oo ay heshay Caasimada Online.

Dhismahaan gurigaan ayaa ka kooban Shan (5) dabaq oo midkiiba uu ka kooban qolal badan waxaana loo qorsheeyay in laga dhigo Hotel halka warar kale ay sheegayaan in laga dhigi doono Suuq Ganacsi oo wayn iyadoo laga kirayn doono ganacsatada yar-yar.

Dad kusugna magaalada Hargeysa ayaa Caasimada Online u sheegay in dhismaha gurigaan Wasiir Beyle uu wakiil uga yahay wiil ay Walaalo yihiin kaas oo ka yimid dalka Côte d’Ivoire ama Ivory Coast, islamarkaana Ganacsade ka ah dalkaasi.

Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa hanta badan ku leh magaalada Xeebta ah ee Abidjan ee dalka every Coast, waxana la sheegayaa in halkaasi isaga iyo qoyskiisa ay ku leeyihiin hanta badan iyo ganacsi waa wyan.

Wiilka hada wakiilka ka ah dhismahaan ka socda Hargeysa ee uu leeyahay Wasiir Beyle ayaa la sheegay in uu madax ka ahaa hantida Wasiir Beyle ee dalka Ivory Coast waxa uuna halkaan joogi doonaa waqti kooban sida uu qorshuhu yahay.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Craxmaan Ducaale Beyle wali nooma suurta gelin in aan helno si aan wax uga weydiino gurigaan uu ka dhisanayo Hargeysa.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com