Muqdisho (Caasimdda Online) – Qarax xooggan ayaa gilgiley goordhaw magaaladda Muqdisho, kasoo jugtiisa laga maqlay qeybo kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.
Goobjooge la hadlay Shabakadda Caasimadda Online ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid loogu xiray Gaari uu lahaa Sarkaal ka tirsan booliska dowladda oo magaciisa lagu soo koobay Koronto.
Qaraxa ayaa ka dhacay wadada Makka Al-Mukarama, gaar ahaan nawaaxiga Shaqaalaha, iyadoo goobta ay tageen ciidamada amaanka oo halkaasi kasoo qaadey dhawaca dadkii saarnaa gaariga.
Qaraxan ayaa kusoo beegmaya xilli wadooyinka Muqdisho ay xiran yihiin, islamarkaana booliska uu dhawaan bixiyay digniino la xiriira in baabuur qaraxyo lagu soo xiray ay ku jiraan magaaladda.
Dowladda ayaa u diiday wariyeyaasha warbaahinta madaxa-banaan iyo gaadiidka gurmadka ee Aamin Ambulance inay tagaan goobaha qaraxyada ay ka dhacaan.
Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Caasimadda Online
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

