Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia oo aan xiligaani la dhacsaneyn qaabka ay ku shaqeyneyso Dowlada Madaxweyne Xassan, ayaa lasoo warinayaa in dhaqaale adag ay ku bixineyso riditaanka Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Nabadsugida Somalia.
Ilo wareed ka tirsan BFS ayaa inoo xaqiijiyay in dibin-daabada Beesha Caalamka aysan ka marneyn kulamada ay Xildhibaanada BFS la qaadanayaan Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Nabadsugida, waxa ayna Xildhibaanadaasi inoo xaqiijiyeen in Beesha Caalamka ay walaac ka qabto dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.
Mid kamid ah Xildhibaanada oo ka cudur-daartay adeegsiga magaciisa ayaa xaqiijiyay in Warqad qoraal ah ay Beesha Caalamka gaarsiisay Xafiiska Madaxweyne Xassan taasi oo ay ku dalbanayeen in xil ka qaadis degdeg ah lagu sameeyo dhamaan Taliyayaasha laamaha amaanka, gaar ahaan Wasiirka amniga, Taliyaha nabadsugida iyo Taliyaha Booliska, inkastoo la sheegay in Xassan Sheekh uusan Jawaab waafi ah ka bixin warqadaasi.
Sidoo kale, Xildhibaanka waxa uu carabaabay in Beesha Caalamka ay xiligaani ka marneyn kacdoonka ay Xildhibaanada BFS kaga soo horjeedan Wasiirka amniga iyo Taliyaha Nabadsugida Qaranka.
Waxa uu sheegay in bilowga asbuucaani qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka kulan gaar ah la qaaten Tirro Xildhibaano ka tirsan BFS, inkastoo uusan cadeynin waxa lagala hadlay.
Si kastaba ha ahaatee, Wakiilada Beesha Caalamka ayaa kaalin miisaan leh ka qaadanaaya xil ka qaadis lagu sameeyo Wasiirka iyo Taliyaha Nabadsugisa, inkastoo aan la saadaalinkarin sida uu xaalka noqon doono.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

