Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa iska fogeysay ku lug lahaanshiyaha dagaalkii u dhexeeyay Maamulka Ahlusuna iyo Sargaalka lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne ee ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.
Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Maamulka Galmudug, Cali C/laahi Warsame ”Galawac” oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulka uusan wax lug ah ku laheyn Dagaalkaasi dhiiga badan ku daatay.
Galawac, waxa uu sheegay in dagaalkaasi uu ahaa mid maamulka uu kawar helay xili danbe, balse aysan la socon cida bilowday iyo cida ka danbeysay abaabulka dagaalkaasi.
Waxa uu sheegay in maamulka Galmudug uu qorsheynaayay in wada hadal uu la furo Ahlusuna, balse go’aankooda uusan aheyn inay la dagaalamaan misna ay qasaan wada hadalkii qabyada u ahaa labada dhan.
Waxa uu hadalkiisa intaa raaciyay in dagaalka uu ahaa mid u dhaxeeyay Ahlusuna iyo dadka deegaanka, markii uu sheegay in Ahlu Sunna ay caburisay bulshada deegaanka, sida uu yiri.
Wuxuu sheegay in Galmudug ay ka xun tahay wixii ka dhacay Dhuusamareeb iyo in lagu dul dagaalamo dadkii deegaanka, oo ay ka masuul tahay buu yiri Galmudug, isagoo intaa ku daray inay cambaaraynayaan falkaasi.
Dhinaca kale, Afhayeen u hadlay Maamulka Ahlusuna, ayaa Maamulka Galmudug iyo Dowladda Federaalka Somaliya ku eedeeyay inay ciidan u soo direen Magaalada Dhuusamareeb, si ay kaga barbar dagaalamaan maleeshiyadii Liibaan Madaxweyne, ee Magaalada laga saaray.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

