25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Maxamed Cali AMEERIKO oo xil cusub loo magacaabayo iyo xog sheegaysa…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay baahisay idaaacadda Dalsan ee magaalada Muqdisho, ayay ku sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu wado qorsho cusub uu xil ugu magacaabayo Safiirka Somalia u fadhiya Magaalada Nairobi ee xarunta Dalka kenya.

Xogtu waxa ay sheegeysaa in Danjiraha Dowladda Somalia uga wakiilka ah dalka Kenya, Ambassador Maxamed Cali Ameeriko loo magacaabayo Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Banaadir iyo Duqa magaalladda Muqdisho.

Qorshaha xilkaasi loogu magacaabayi Danjire Ameeriko, ayaa si xooli ah uga socdo Xarunta Madaxtooyada Somalia, iyadoona la sheegay in qorshahaasi uu maraayo heer gabagabo.

Qorshaha xoogiisa ayaa la tilmaamayaa inay wadaan Siyaasiyiinta, Waxgaradka iyo Odayaasha Dhaqanka Beesha Galmaax Yoonis ee Wacbuudhan Abgaal, iyagoona Madaxweyne Xasan ka dhaadhicinaya in haddiiba sida la sheegay uu Muungaab xilka ka qaadayo uu magacaabo Ameeriko.

Siyaasiga Cali Ameeriko, oo haysta dhalashadda dalka Kanada, waxa uu Masraxa Siyaasadda ku soo biiray xilligii Dowladdii KMG ee uu Madaxweynaha ka ahaa Cali Mahdi Maxamed ee bilowgii sannadihii 1990-kii.

Sannadkii 2005-tii waxa uu Gacan-yare u ahaa Ra’isul-wasaarihii hore Prof. Cal Mohamed Geedi.

Sannadkii 2007-dii waxa loo magacacaabay Danjiraha Dowladda Somalia uga wakiilka ah dalka Kenya, iyada oo uu ilaa iyo haatan hayo Xilkaasi, wuxuuna ku muteystay ammaan iyo dhaliil.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News