26.6 C
Mogadishu
Thursday, January 15, 2026

Xog: CC oo markii uu xaalka ku xumaaday maciin biday inuu….

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Xafiiska Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia, Cumar C/rashiid Cali, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo kulamo joogta ah oo u dhexeeya Ra’isul wasaaraha iyo Odayaasha soo xulay Xildhibaanada cusub.

Kulamada u dhexeeya Cumar C/rashiid iyo Odayaasha ayaa waxaa looga arrinsanayaa taageerida Sharmaarke, waxaana soo baxaaya in Ra’isul wasaaraha uu Odayaasha u adeegsanaayo dhaqaale.

Sharmaarke ayaa Odayaasha ka dalbanaaya in Xildhibaanada ay soo xuleen uga dalbaan Codka, waxa uuna Cumar sameynayaa ballanqaadyo ku jaan go’an Guushiisa kadib.

Sharmaarke ayaa Odayaasha u qaabilaaya beel-beel, waxa uuna iminka qaabilay Beeshii ugu horeysay, halka Beelaha kale uu qaabili doono isla Asbuucaani.

Lama saadaalinkaro guusha iyo guul darida Cumar C/rashiid uu kala kulmi doono Odayaasha kala duwan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News