Xog: Ciidamo hor leh oo soo gaaray guriga Senator Xaaji Muuse Suudi Yalaxow

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo dheeraad ah oo wata gaadiidka dagaalka ayaa saacadihii la soo dhaafay soo gaaray degmada Kaaraan ee Gobalka Banaadir, waxayna ku biireen Ciidamo kale oo daacad u ah Senator Muuse Suudi Yalaxow oo katirsan Aqalka Senate-ka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Ciidamadaan oo wata laba gaari oo nuuca dagaalka ah ayaa ka yimid dhinaca Gobalka Shabeelaha Dhexe waxayna u badan yihiin Ciidamo Militari ah oo soo dhigtay Tuutaha Ciidamada, waxayna qaarkood ay dagayn Guriga Muuse Suudi halka qaar kalane ay dageen meel aan ka fogayn guriga Muuse Suudi Yalaxow.

Arintaan ayaa ka dambeysay hadalkii ee Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Banaadir Injineer Cabdiraxmaan Cumar Yariisow ee ahaa in aysan marna gor gortan ka geli doonin ka bixitaanka xeradii hore ee Ciidamada Badda Soomaaliya ee Mariino.

Hadalka Yariisow ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ahaa in mar uun Maxkamad la soo taagi doono hogaamiye kooxeedyadii hore, hadalkaas oo ku wajahnaa Senator Muuse Suudi Yalaxow waxayna arintaasi ay sababtay in diyaar garoow dagaal laga dareemo degmada Kaaraan ee Gobalka Banaadir.

Dad aan la hadalnay ayaa noo sheegay in ay kulan deg deg ah ay yeesheen Xubno Saraakiil ah oo u dhow dhow Senator Muuse Suudi, sidoo kale Siyaasiin ayaa arintaan ka yeeshay kulan kuwaas oo qaraabo la ah Senator Muuse Suudi waxayna hadal aad looga xumaado ay ku tilmaamayn warkii ka soo baxay Eng Yariisow.

Ma muuqato xaalad muujin karta in uu baaqan karo dagaal dhaxmara Dowladda Soomaaliya iyo Senator Muuse Suudi Yalaxow markii laga reebo in labada dhinac mid uu tanaasulo rajadaasna ma ahan mid muuqato.

Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa ku doodaya in dhulka uu dagan yahay ay Dowladda madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed uga badalatay hub iyo gadiid dagaal xiligaasna aysan jirin lacag balse loogu qiimeeyay dhulka uu hadda dagan yahay ee Ex mariino kaas oo ku yaala degmada Kaaraan ee Gobalka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com