26.7 C
Mogadishu
Monday, March 16, 2026

Aqris: Agaasimaha Guud ee wasaaradda difaaca oo shaqo joojin lagu sameeyey

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fadaraalaka Soomaaliya ayaa shaqo joojin ku sameeyay Sokor Jaamac, oo ahaa Agaasimihii guud ee. Wasaaradda difaaca dalka.

Warqad kasoo baxday Xaafiiska wasiirka gaashaandhigga Xassan Cali Maxamed Amardanbe, lana ogeysiiyay Ra’isalwasaaraha Soomaaliya, iyo wasaaradda shaqada iyo Arimaha Bulshada ayaa lagu sheegay in shaqada looga joojiyay Sokor Jaamac Geyre.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in Shirka Guddiga Amniga Qaranka go’aan lagu gaaray in is bedel lagu sameeyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda.

Xilkaas ayaa si ku meel gaar ah ah loogu dhiibay Warsame Maxamed Xassan,waxaana isbeddelkan lagu sheegay mid ka soo baxay shirka Guddiga Amniga Qaranka.

- Advertisement -

Read more

Local News