28.2 C
Mogadishu
Tuesday, January 13, 2026

Xog: Ciidamo ka amar qaadanaya CC oo tagaya Gaalkacyo (Caddaalad ma noqon karaan?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in magaaladaasi  laga sugayo ciidamo ka tagaya magaalada Muqdisho.

Ciidamadaasi oo ka tirsan kuwa sida gaarka u tababaran ee DANAB ayaa tagaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kuwaasi oo qeyb ka noqon doona dadaalada nabadeed ee magaalada Gaalakcyo.

Ciidamada oo qiyaas ahaan gaaraya 40 ku dhawaad, ayaa waxay la shaqeyn doonaan gudiga nabad galyada magaalada Gaalkacyo, waxaana tagayaan magaalada.

Labada maamul ee Galmudug iyo Puntland ayaa cadeeyay in ciidamadaasi ka socdo dowlada Soomaaliya ay la shaqeyn doonaan gudiga amaanka, waxayna ka hortagi doonaan falalka amni daro ee ka dhaca magaalada Gaalkacyo.

Xogta aan heleyno ayaa waxay intaasi ku dareysaa in ciidamada ay si toos ah kaga amar qaadan doonaan xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News