Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyaha BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari u gacan galiyay diyaarinta qorshaha looga itaal roonaan lahaa Ra’isul wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid iyo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xassan.
Madaxweyne Xassan ayaa Jawaari u kala dhig dhigay qaabka uu u doonaayo diyaarinta qorshihiisa ku aadan loolanka Sharmaarke iyo Shariif Xassan.
Qorshaha diyaarintiisa loo gacan galiyay Jawaari ayaa waxaa kamid ah sida looga guuleysan lahaa labada Musharax ay wadato Imaaraadka iyo qaabka ugu sahlan ee lagu carqaladeyn lahaa ololahooda maadaama ay Dowladu tahay mid KMG ah oo wakhtigeeda uu dhamaaday.
Xassan Sheekh ayaa Jawaari garab uga dhigay Siyaasiyiin kale oo aad ugu xildheer arrimahaani waxa ayna horay uga mid ahaayen Guddi Xassan u qaabilsanaa borobagaandada.
Jawaari ayaa xiligaani saaxiib dhow la ah Madaxweyne Xassan waxaana lagu wadaa in Jawaari mar kale dib loogu soo celsho Guddoomiyaha Baarlamaanka Cusub, sida uu Xassan Sheekh yahay qorshihiisa.
Dhinaca kale, Jawaari ayaa muddo dhowr jeer Xassan Sheekh ka badbaadiyay Mooshino uu xilkiisa ku weyn lahaa, waxaana iminka loo badinayaa inuu ku guuleysan doono qorshahaani lagu jaanrogaayo Siyaasada Sharmaarke iyo Shariif Xassan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

