28.3 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Xog: C/kariim Guuleed oo Kenya u iibgeeyey siyaasada Galmudug

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa markii ugu horeysay ku dhiiraday in xiriir Siyaasadeed oo toos ah la sameeyo Dowlada Kenya oo lagu xanto in caqabad ay ku tahay Hanaanka Siyaasadeed ee Somalia.

Madaxweyne Guuleed ayaa magaalada Nairobi u gaaray Siyaasad kororsi, waxa uuna sidoo kale Dowlada Kenya kala xaajoonayaa in garab ay kasiiso dhinacyada Siyaasada, Amaanka iyo kobcinta khibrada Saraakiisha ciidamada maamulkiisa.

C/kariin ayaa sidoo kale Dowlada Kenya ka dalban doono garabsiinta Baarlamaanka maamulkiisa iyo inay garab lixaad leh ka qaadato kobcinta Siyaasada maamulka Galmudug.

Guuleed ayaa xooga saaraya tababarada ciidamada maamulkiisa waxaana xusid mudan in Dowlada ethiopia ay iyana tababari doonto ciidamo 6,000 kuwaasi oo la wareegi doona amaanka deegaanada maamulka.

Galmudug ayaa nadiif ka ahaan jirtay dawarsiga dal shisheeye, balse waxa ay iminka u muuqataa inay gashay safka maamulada ku xiran Dowladaha ethiopia iyo Kenya.

Lama shiigi karo waxa uu C/kariin Guuleed kala kulmi doono Dowlada Kenya inkastoo Kenya ay mar waliba u hanqal taageyso inay xiriir dhow la sameyso maamulada dalka si ay caqabad ugu noqoto Horumarka dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News