Xog cusub oo laga helay gabadhii ardayga ahayd ee Muqdisho lagu dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa dilka Aamina Xuseen Xasan, oo maanta koox hubeysan ay ku dhex dishay fasalkii ay fadhisay jaamacadda Soomaaliya, oo ku taalla xaafadda Baar-Ubax ee degmada Howl-Wadaag ee magaalada Muqdisho.

Qara ka mid ah ehellada Aamina ayaa Caasimada Online u sheegay in Aamina ay ahayd haweeney 43 jir ah, oo ku jirtay sanadkii u dambeeyey ee jaamacadda, islamarkaana ay baraneysay kuliyadda Sharciga iyo Qaanuunka.

Waxaa la sheegay in Aamina ay lahayd carruur waa weyn, oo qaarkood ayagaba dhigta jaamacado, inkasta oo aysan dhigan jaamacadda hooyadood lagu dilay.

Ragga dilka gaysta oo laba ahaa ayaa la sheegay in xilli iskuulka ay ka baxayeen arday, qara kalena soo galayeen, kusoo dhex dhuuntaan, ayaga oo wata bastoolado, kadibna ugu yimaadaan fasalka, oo ay ku toogteen.

Xilliga dilka dhacayey, ayaa waxaa fasalka ku sugnaa kaliya Aamina iyo macallin. Ciidamada amniga ayaa la sheegay inay markii ay goobta yimaadeen wateen macaliinka kadib markii ay su’aalo ka weydiiyeen wixii dhacay, lamana oga xaaladdiisa illaa hadda.

Ilaa hadda ma cadda sababta loo dilay Aamina, iyo cidda dilka ka dambeysay intaba. Ragga dilka gaysta ayaa baxsaday, mana jirto cid taqaan oo sheegi karta waxa ay ahaayeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com