28.1 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

XOG + SAWIRRO: Maxaa kala qabsaday eeyaha garoonka Jommo Kenyatta iyo boorsooyinka CC

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Bahdilkii Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid iyo Wafdigiisa loogu geystay Garoonka diyaaradaha ee Jommo Kenyatta ee magaalada Nairbi.

Wafdiga oo sida aan qoraalkeenii hore ku sheegay loo bahdilay sababo la xiriira kadib markii diyaaradooda aysan marin garoonka degmada Wajeer oo waajib ay tahay iney maraan diyaaradaha ka duulo magaalada Muqdisho ka hor inta aysan gaarin magaalada Nairobi.

Warar hoose ayaa tibaaxaaya in Laamaha amaanka Dowlada Kenya ee Jommo Kenyatta, ay aad uga shakiyeen Safarka Ra’isul wasaaraha, waxaana gabi ahaantooda laga qaaday Boorsooyinkii ay wateen kuwaasi oo lagu dhex tuuray qol yar oo lagu xanaaneeyo Eeyaha baara Boorsooyinka si looga hortago haddii ay jiraan waxyaabo lid ku ah amaanka garoonka.

Mid kamid ah Saraakiisha Garoonka ayaa Ra’isul wasaaraha ku wargaliyay in Boorsooyinka ay ka baarayaan waxyaabaha maanka dooriya ama wax waliba oo lid ku ah amaanka, waxa uuna sheegay in amarkaasi uu siiyay Taliyaha Ciidamada Garoonka.

Ra’isul wasaare Cumar oo isku dayay dhacdadaasi kadib inuu xiriir la sameeyo Madaxweynaha Kenya, ayaan helin wax jawaab ah, waxaana xusid mudan in mid kamid ah Xildhibaanada la soctay Ra’isul wasaaraha uu Caasimada Online u xaqiijiyay in Sharmaarke uu maciin biday inuu u jilicsanaado amarka askarta.

”Waxa ay noo aheyd maalin murugo badan waayo waxa ay qadarin waayen Ra’isul wasaaraha Somalia, waxa ay shuruud ka dhigeen in Boorsooyinka ay baaraan Eeyaha tababaran Ra’isul wasaaraha waa uu diiday balse waxaa lagu amray in Somalia uu dib ugu laabto, ugu danbeyntii wuu o ogaaladay in Eeyaha ay baaran”

”Run ahaantii ma jirin wax asxaan ah oo ay noo faleen, waxaasi dhan waxaa ugu wacan madaxda dalka oo aad moodo in Siyaasada Kenya ay janada ku galayaan, waayo Baarlamaanka xili hore ayuu go’aan arrintaani ka gaaray laakin madaxda ugu sareysa dalka oo uu kamid yahay Sharmaarke ayaa is hortaagay”

Wefdiga ayey la soo deristey nasiib xumo maadaama aysan helin diyaarad toos uga qaada Muqdisho oo geysa Istanbul sida wixii ka horeeyey weerarkii diyaaradda Daallo Airlines, waxaana ay ku khasabanaadeen sida ay sameyn jireen waayadii hore in ay dhaxniin (Transit) ku noqdaan dal kale kaas oo noqdey Kenya.

Ma aha markii ugu horeysay oo Madaxda DFS lagu behdilo Garoomada Dalka Kenya, waxa ayna tani kusoo beegmeysaa xili dhawaan uu Xassan Sheekh madaxa u raariciyay Meydadka Ciidamada Kenya, Dowlada Kenyana ay sidaani ula dhaqmeyso Madaxda dalka.

caasimada Online
Caasimada Online
Eey

- Advertisement -

Read more

Local News