Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan qoyska Madaxweynaha Maamulka Khatumo State Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegaya inay heleen xog ku aadan in Maamulka Somaliland uu qorsho dil ah u maleegay Galeyr.
Qorshahaani ayaa la sheegayaa in muddo laba jeer ah uu ka fashilmay Maamulka Somaliland tan iyo markii Madaxweyne Cali Khaliif laga ceyriyay deegaanka Saaxdheer una cararay dhanka xuduudka Ethiopia, iyadoona uu ka baxsaday qorsho dil ah oo lagu wargaliyay Ciidamada maamulka Somaliland ee Xuduudka.
Maryan Cabdi Biixi oo la sheegay inay tahay Marwada Madaxweyne Cali Khaliif ayaa sheegtay in FBI-da Maraykanku Saygeeda kaga badbaadisay Qorshe Ciidanka Somaliland ku dili lahaayen.
Maryan Cabdi Biixi waxa ay sidoo kale sheegtay in intaas kadib FBI-du xiriir la samaysay Cali Khaliif, sidoo kalena Safaaradaha Maraykanka ee Ethiopia iyo Kenya la soo xiriireen Cali Khaliif, laguna war galiyay Qorshahaasi Ciidanka Somaliland la maaganaa.
Nuqul kamid ah hadalkii Maryan Cabdi Biixi ayaa ahaa “Waxay damceen Somaliland inay dilaan Cali Khaliif Galeyr,waxaa Gurigayga iigu yimid oo igu yiri waxaanu Ognahay Cali Khaliif oo shir qool loo dhigayo, oo la doonayo in la dilo.waxay yiraahdeen waa inuu is-jiro, markaas way wada hadleen FBI-da iyo Cali oo safaarada Maraykanka ee joogta Ethiopia iyo tan Kenya ayey wada hadleen isagoo joogay wakhtigaas Saaxdheer”.
Hadalka Xaaska Cali Khaliif ayaa u muuqda in FBI-du Cali Khaliif u gudbisay xogo ku saabsan qorshaha Ciidanka Somaliland oo maaganaa dilka Cali Khaliif.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

