Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud uu shaaciyay in bisha Agoosto dhamaadkeeda la doonayo in la helaa xildhibaanada baarlamaanka ee badalaya kuwa haatan jooga ayaa waxaa bilowday kala xulushada xildhibaanada.
Ilo xog ogaal ah ayaa inoo sheegay in xildhibaanada qaar ee la doonaya iney badalaan kuwa haatan jooga ay bilaabeen iney xuuraansadaan madaxda ay taageeri lahaayeen si haatan u helaan taageero lagu soo doorto.
Hoteelada magaalada Muqdisho ayaa noqday kuwo mashquul ah oo waxaa shirar kala duwan iyo caasuumaad ku fidiya shaqsiyaad doonaya iney noqdaan xildhibaanada cusub ee imaanaya bisha Agoosto.
Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in xubnaha doonaya xildhibanada cusub ay sidoo kale la kulmaan siyaasiyiin kala duwan si ay kaga helaan taageerada ay ku noqon lahaayeen xubinimada xildhibaanada baarlamaanka.
Bisha Agoosto 20 keeda ayaa la doonayaa in la helaa xildhibaanada cusub ee dooranaya madaxweynaha Soomaaliya ee hayn doona talada dalka Soomaaliya ilaa sanadka 2020-ka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

