30.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

IGAD oo la wareegeysa dhismaha maamulka Hiiraan & Sh/dhexe

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Urur goboleedka IGAD ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah ula wareego dhismaha maamulka loo sameynayo gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Arrintan ayaa ka dambeysay go’aanka ka yimid wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Odawaa oo warqad u qoray wakiilka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Affeey.

Qoraalkan ayuu wasiirka ugu sheegay Affeey in dowladda Soomaaliya ay awood u yeelan weyday inay dhisto maamulkan, sidaa darteedna wuxuu usoo jeediyey laba qodob midkood inay IGAD aqbasho.

1 – In Madaxweynaha Soomaaliya uu digreeto ku magacabo maamul labadaas gobol ay yeeshaan.

2 – In Urur goboleedka IGAD uu la wareego dhismaha maamulkaas, maadaama dowladda ay xal u weyday.

Ilo-wareedyo ayaa Caasimada Online u sheegay in Maxamed Cabdi Affeey uu doortay soo jeedinta labaad, sidaa darteedna la filayo in IGAD ay la wareegto maamulka shirka Jowhar.

Wararka qaar ayaa sheegay in IGAD ay dowladda Ethiopia usii wakiilan doonto dhismaha maamulkaas.
Arrintan ayaa jebineysa heshiiskii ay horey u wada gaareen dowladda Soomaaliya iyo IGAD oo dhigayey in IGAD ay faraha kala baxdo arrimaha gudaha ee dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News