Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Villa Somalia ayaa sheegaya in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somalia ay kulan aan caadi aheyn la qaaten Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.
Wararku waxa ay sheegayaan in Xildhibaanadaasi ay doonayeen in Xassan Sheekh ay kala hadlaan arrimaha doorashooyinka iyo dhismaha Baarlamaanka cusub ee Somalia.
Xildhibaanadaani oo kamid ah Gudiyo la sheegay in Xassan Sheekh uu u diyaarinaayo howlaha doorashada ayaa lasoo warinayaa in Xassan uu ku gacanseeray la kulankooda kadib markii uu carro ka qaaday ad adeega ay muujinayaan Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo wali ku sugan magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Xassan oo Xildhibaanadaasi ay ballan kala dhexeysay ayaa markii danbe u sheegay inaanu la kulmi karin sababo la xiriira Mashquulkiisa, waxa uuna diiday inuu siiyo wakhti kale oo ay kusoo laaban karaan.
Xildhibaanada ayaa Villa Somalia kaga baxay carro ay ka qaaden jees-jeeska Xassan Sheekh.
Madaxweyne Xassan ayaa aad ugu mashquulsan diyaarinta doorashada iyo howlahiisa gaarka ah ee la xiriira ololaha doorashadiisa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

