Xog: Dagaalka Muqdisho ee Jawaari iyo C/qaadir Cosoble & qodobada la isku hayo + Documents

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal dastuuri ah, salkana ku haya qaabka federaaleynta dalka ayaa ka dhex qarxay guddoonka Baarlamaanka iyo mid ka mida guddoomiyeyaasha guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka iyadoo markan la isku hayo maqaamka caasimada Muqdisho iyo inay ku biiri karto maamaul goboleedyada.

Waxaa hore u soo baxay  warar sheegaya in Gobolka Banaadir lagu darayo gobolada Sh/Dhexe iyo Hiiraan ayna noqon doonaan hal maamul goboleed, arrintan oo madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay guddi ka tirsan xildhibaanada baarlamaanka ee degaanadaasi ka soo jeeda, waxay jawaab celin kulul uga timid dhinacyo kala duwan oo ay ugu horeeyaan guddoonka Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen waxay horaantii bishan soo saareen qoraal ay u direen madaxtooyada iyo xukuumadda waxayna ku caddeeyeen go’aan nuxurkiisu yahay inaan caasimadda lagu dari karin maamul goboleed kale inta sharci gaara ka soo saarayo Baarlamaanka.

Hoos ka akhri qoraalka Guddoonka Baarlamnaanka.

warqad jawaari

Arrintan waxay dhalisay is weydiin badan oo ku saabsan awoodda guddoonka Baarlamaanka ku hadlayaan iyo sida ay amar u soo saari karaan kaasoo aan ka soo bixin baarlamaankii ay guddoominayeen oo fasax ku jira?… Waxaa kaloo arrintan durba ku dhex jira waxa loogu yeero Beesha caalamka oo dacwado kala duwan loo qoray kuna saabsan xaaladda Gobolka Banaadir.

Inkastoo dad badani qabaan in caasimadu yeelato maqaam iyo sharci gaara, haddana waxaa jira dood weyn oo ku saabsan lahaanshaha Gobolka Banaadir, waxayna arrinta maqaamka Muqdisho soo socotay muddo ku dhow 15 sano iyadoo la ogyahay in Shirkii Carte 2000 lagu sameeyay guddi noocan ah, dowlad kasta oo markaas kadib dhalatayna waxay qeyb ahaan bilowday mashruuc ku saabsan Muqdisho iyo xaalkeeda, iyadoo aanay jirin wax ka soo baxay tallaabooyinkaasi oo dhan.

Dooda dastuureed ee ay qarxiyeen guddoonka Baarlamaanka waxay u muuqataa mid ay ku doonayeen inay  ugu yaraan ku hakiyaan mowjadaha federaalka ee dalka ka socda iyadoo laga cabsi qabo inay Banaadir ka mid noqoto maamul goboleedka ugu danbeeya ee la qorsheynayno in la dhiso, laakiin waxay jawaab adag ka keentay Guddoomiyah guddiyada Arrimaha dibadda baarlamaanka Soomaaliya C/qaadir Cosoble Cali oo sharci darro ku tilmaamay qoraalka ka soo baxay guddoonka Baarlamaanka.

Hoos ka akhri qoraalka xildhibaan Cosoble

warqada cosoble

 

Marka qoraalka C/qaadir Cosoble la eego waxaa soo shaac baxaya heerka ay gaarsiisan tahay khilaafka ka jira fasirka Dastuurka qabyada ah iyo baaxadda ay leedahay kala duwanaanshaha rabitaanka gudoonka iyo xildhibaanada, waxayna soo jeedineysaa baahida loo qabo:

  • In la dhameystiro dastuurka qabyada ah
  • In la helo maxkamadda dastuuriga ah ee fasiri lahayd qodobadda dastuurka
  • In la qeexo qaabka federaalka gobolada dalka iyo xeer loo helo caasimadda

Inta arrimahaas oo dhan la la’ yahay wuxuu federaalka lagu muransan yahay noqon doonaa mashruuc dhibaatadiisa aan laga bixi doonin. Waxaana inta waqtiga dowladda hadda jirta ka harsan ku dhammaan doonaa is jiidjiid aan macne lahayn oo hadda maraya Golihii Baarlamaanka.

Faalada Goobjooge